Xayawaan yar oo cayayaanka ka tirsan, kaas leh jir uu ku dahaaran yahay qolof adag, ayaa la sheegay inuu u adkeysan karo haddii lagu istaago amaba gaari la dul marsiiyo.
saynisyahannada ayaa baaritaan ku sameeyay sirta ka dambeysa in xayawaankan uu u adkeysto awood 39,000 oo jeer ka badan culeyskiisa.
Natiijada baaritaankaas ka soo baxday ayaa dadka sameeya qalabka dhismaha guryaha ka caawin karta soo saaridda waxyaabaha guryaha lagu dhiso oo adag.
Baaritaanka oo lagu daabacay wargeyska Nature, ayaa horseedi karta soo saaridda waxyaabo u adkeysan kara in la burburiyo, sida ay sheegeen koox uu hoggaaminayo David Kisailus oo ka tirsan Jaamacadda California, Irvine.
Cayayaankan waxaa inta badan laga helaa Mareykanka iyo Mexico, waxayna ku nool yihiin geedaha iyo dhagaxaanta hoostooda.
Wuxuu xayawaankan leeyahay khalfoof aad u adag oo weli aan lagu arag xayawaan kale.
Arrintan ayaa la ogaaday xilli dhaawac loo geystay xayawaankan yar, oo awoodi waayay inuu duulo, kaddib la soo baxay baalal adag oo ka celin kara inay ku istaagaan shimbiro gaajeysan.