Diyaarad dagaal oo lagu soo riday dagaalka TIGRAY-ga

diyaarad dagaal Ethiopia

Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda gobolka Tigrayga oo sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay uruka TPLF ciidamada deegaanka Tigray ayaa soo riday diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka oo lagu magacaabo, Getachow Rada ayaa tilmaamay in diyaaradda la soo riday xilli ay dooneyso inay duqeyn ka fuliso meelo u dhaw Maqale.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray Getachow Rada in ciidamada federaalka Itoobiya ay la wareegeen deegaano iyo magaalooyin hor leh oo ku yaallo gobolka Tigrayga.

Dhanka kale xaaladda gobolka uu dagaalka ka socdo ayaa ah mid aad u adag, iyada oo la jaray isgaarsiinta, sidoo kalena hakad la galiyey dhaq-dhaqaaqa guud.

Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, iyada oo baarlamaanka dalkaasina uu meel-mariyey in dowladdu ay fara-geliso xiisada ka taagan gobolka Tigray-ga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here