Xukuumadda Abiy Axmed ee Itoobiya ayaa si kulul uga jawaab celisay dalab ay dhawaan u gudbisay beesha caalamka, kaasi oo ahaa in baaris madax-banaan lagu sameeyo dagaalka toddobaadyada socday ee ay ku qaaday maamulka TPLF.
Itoobiya ayaa si cad u diiday in beesha caalamka ay qeyb ka noqoto baaristaas, midaasi oo ay sheegtay inay xaq u leedahay sameynteeda dowladda federaalka oo awood buuxda u leh u dhabo galka arrintaas.
Redwan Hussein oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowlada ayaa sheegay in beesha caalamka ay u furan tahay oo keliya inay dalbadaan in kaalmo bini-aadanimo ka geystaan xaalada ka taagan Itoobiya, xili ay sheegtay xukuumadiisu inay soo af-meertay dagaalka Tigrey-ga.
Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya ay dalalka beesha caalamka ka dalban doonto caawimo oo keliya, haddii ay u baahato xukuumadiisu, inkasta oo ay xiligan awood buuxda u leedahay, sida uu hadalka u dhigay.
“In loo qaato in dowladdu aysan fulin karin baaritaannada ceynkan ah waxa ay tahay hoos u dhigidda xukuumadda” ayuu yiri Redwan Hussein oo ka biyo diiday dalabaadka dalalka saaxiibka la ah Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa hore u diiday waxay ugu yeertay “fara-gelin shisheeye”, taasi oo ay kaga soo horjeedo dadaalada ay dalalka deriska uga qeyb qaadanayaan xiisada Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si weyn u cakirneed iyo soo bandhigida xaqiiqada dagaalkaas oo soday muddo toddobaadyo ah.