Baarlamaanka Carabta oo wadamada deriska uga digay faragelinta doorashada Soomaaliya

arab league

 Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan doorashada la filayo inay sanadka cusub ka dhacdo dalka Soomaaliya, ee weli muranka uu ka taagan yahay.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa looga digay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa Gobolkaba ay faragelin ku sameeyaan doorashada Soomaaliya 2020-2021.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta malaintii sabtida aheyd ayaa lagu yiri ”Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah.”

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa ku nuux nuuxsaday inay xoogga saarayaan amniga, midnimada, qarannimada iyo bedqabka dhul ee Soomaaliya iyo taageerada dalalka Carabta iyo beesha caalamka ee horumarinta iyo degenaashiyaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa ay baarlamaanka Carabta cambaareeyeen weerarkii ka dhacay caasimadda Muqdisho 27-kii November iyo dhammaan weerarrada dhacat bilaha November iyo December 2020 kuwaas oo dad badan ku dhinteen iyaga oo ku celiyey iney garabtaagan yihiin Muqdisho dagaalkeeda ka dhanka ah argigixisada.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa kusoo aadayo xilli ay jiraan tuhun ku aadan faragelin ay doorashada Soomaaliya ku hayaan wadamo ku yaalo Qaaradda Africa iyo kuwa ka baxsan oo ay ugu horeeyaan kuwa Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Kenya inay faro-gelineyso doorashada Soomaaliya, ayada oo usoo mareysa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here