DF oo shaacisay hal arrin oo Kenya ka hortaagan inay aqoonsato Somaliland

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababta ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dowladda Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq, oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in xadgudubyo badan oo Kenya ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, kadib ay uga dacwoodeen urur goboleedka IGAD, isagoo sheegay in Kenya ay u muujisay in aysan diyaar u aheyn wada xaajood ay la gasho Soomaaliya.

“Markii aan u yeeranay danjireheenii Nairobi, kadib waxaan qaadnay tallaabooyin diblomaasiyadeed, kuwaas oo ay ka mid tahay inaan la xariirnay IGAD iyo AU, balse Kenya ma aysan qaadan haba yaraatee inay Soomaaliya cabashadeeda kala furto wada-xaajood,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Kenya waa deriskeena waana jecelnahay inaan lahaano xiriir ku saleysan is ixtiraam iyo wax wada qabsi, balse Kenya arrintaas kama suurabin.”

Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyey waxa ay Soomaaliya uga cabaneyso Kenya, waxuuna sheegay inay hayaan xadgudubyo badan oo ay ku kacday Kenya, kuwaas oo taariikheysan una qoran dowladda Soomaaliya.

“Arrimahaas waa arrimaha aan rabno markii miis lasoo wada fariisto, inaan soo hor dhigno Kenya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo hor jeedo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi lagu casuumo Nairobi, isla markaana wax yaabaha ay Soomaaliya ka gadooday ay tallaabadaasi ka mid tahay.

“Arrinkaas waa arrin aan ka soo hor jeedno faro-gelinta aan ka hadlayno ayey qeyb ka tahay, Kenya hadii maanta sharciga iyo axdiga wadamada Afrika ay baal-mari karto weyba aqoonsan laheyd Somaliland, laakiin waa ay ku dhawaatay oo buun-buuninta la siiyey soo dhaweynta Muuse Biixi, waxay tilmaan u tahay, sida dalkeenna weerarka loogu yahay, berrina wax diidaya ma leh in gobol kale oo Soomaaliyeed ay Kenya sidaas u maamuusto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here