Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil Mareykanka ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay

friendship between somalia and usa

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, kulanka ayaa looga hadlay hadlay xoojinta xiriirka militari ee u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidoo loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka socda gudaha Soomaaliya iyo tababarada Mareykanka uu siiyo Ciidanka Xoogga dalka.

“Kulanka Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka Milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ,iyo sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda Mareylanka ay siiyaan CXDS,” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxaya Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Mareykanka uu kordhiyo taageerada iyo tababarada uu siiyo ciidamada xoogga Soomaaliya, taasi oo wasiir Xasan Xuseen Xaaji uu u gudbiyey saraakiisha militariga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si gaar ah iminka u tababara ciidamada xulka ah ee Danab, ee la dagaalama Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here