Ruushka ayaa ku guuleystay inuu la wareego magaalada Lysychansk ee bariga Ukraine waxaana arrintaasi ay fursad u siiyay inuu inta badan gacanta ku dhigo gobolka Donbas.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaysan dad badan u arkin layaab, iyadoo madaxweyne Vladmir Putin uu ku tiirsan yahay adeegsiga labo hub oo khasaare xooggan u geystay Ukraine oo Ruushku uu duullaan ku qaaday horraantii sanadkan.
Gantaallada loo adeegsaday weerarkii Ruushka ee gobolka Odesa ee lagu dilay ugu yaraan 19 qof oo uu ku jiro ilmo yar, ayaa la mid ahaa kuwii loo adeegsaday xarunta laga dukaameysto ee Kremenchuk Isniintii todobaadkii hore sida ay sheegtay Ukraine.
Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa labadaan nooc ee hubka ah ku magacowday Kh-22 (X-22) – oo ah nooc ka mid ah gantaallada lidka diyaaradaha oo la soo saaray sanadkii 1960-kii.
Dadka falanqeeya arrimaha gaashaandhigga ayaa sheegay inay u kuurgaleen horranatii toddobaadkan gantaallada Ruushka uu istcmaalo, waxayna ay tilmaamayaan in Moscow qudheeda uu khasaare xooggan ka soo gaaray isticaamlka hubkaan, maaddaama hub culus uu uga burburayo dagaalka.
Waxaa laga ridaa diyaaradaha dagaalka ee Tupolev-22, waana hubka riddada dhexe oo xaaladdiisa dabiiciga ah aysan sax ahayn.
Moscow waxay wajaheysaa caqabado ay ugu yeertay, “qalabka gantaallada hawada sare ee saxda ah”. Xayiraadaha ayaa ka dhigan in sahaydii qalabkii dibadda laga keeni jiray uu qallalay. Matoorrada ku shaqeeya qaar ka tirsan gantaallada ayaa horay looga soo saaray dalka Ukraine, oo ay ku taallo hal warshad oo ah tan gobolka Kharkiv.
Dhibaatooyinka haysta Ukraine waxaa ka mid ah in gantaallada laga soo rido dhulka Ruushka .
Tani waxay ka dhigeysaa mid adag in la qabto gantaallada, sidaa darteed, Ukraine waxay u baahan tahay inay hesho difaac hawo oo wanaagsan si ay wax uga qabato.
Si dhaqso ah ayay tani u dhici doontaa
Toddobaadkii hore, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee Reer Galbeedka loo sii deyn doono Ukraine, taasoo qayb ka ah xirmo gargaar oo cusub. Waxaa ku kacaya qarasha dhan 800-milyan oo doolar.
Muxuu ka koobanyahay hubkaan Kh-22?
Kani waa gantaal nooca riddada dhexe ah oo loo qaabeeyey xilligii dagaalkii qaboobaa ee 1960-meeyadii, kaas oo markii hore lagu weeraray maraakiib dagaal oo waaweyn.
Waxaa sidoo kale jiray noocyo kale oo weerar dhulka ah, laakiin waagaas waxaa lagu qalabeeyay qalabka dagaalka nukliyeerka. Gantaallada noocan oo kale ah hadda waxaa lagu dhejin karaa madaxyada caadiga ah.
Hubka laftiisa wuu weyn yahay, waxaana ka buuxa dareere ay tayadiisu aad u sarreyso.
Xog kasta oo goobta bartilmaameedka ah ayaa la dejin doonaa ka hor intaan la billaabin, halkii laga “ridi lahaa”.
Sidee loo ganaa gantaalkaan?
Saacado yar kaddib weerarkii Isniintii, taliska ciidamada cirka ee Ukraine ayaa soo saaray bayaan uu ku sharaxay sida uu u dhacay weerarka.
Gantaalka oo noociisu uu ahaa Kh-22 ayaa laga soo riday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka oo qiyaastii 300 KM u jira goobta uu weerarku ka dhacay.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qaabka caanka ah ee dagaalkan, kaas oo diyaaradaha Ruushka ay gantaallo ku garaacaan aagga difaaca Ruushka, iyagoo adeegsanaya gantaallo kala duwan si ay u gaaraan bartilmaameedyo boqolaal mayl u jira.
Diyaaradaha Ruushku waxay sidoo kale gantaallada dheereeya ku rideen Kyiv oo ka yimid badda Caspian ilaa 900 mayl. Weerarro la mid ah ayaa laga soo qaaday isla aagga ka dhanka ah Odesa bishii Abriil.