DAGAAL DHEXMARA SHIINAHA IYO MAREYKANKA WAA MUSIIBO DUNIDU U DULQAADAN KARIN

usa vs china army

Wasiirka Difaaca ee Shiinaha Li Shangfu oo ka hadlayay shirka sare ee amniga ee Asia ayaa sheegay in khilaafka kala dhaxeeya Maraykanka uu noqon karo “Musiibo aan loo dulqaadan karin” laakiin dalkiisu uu door bidayo wadaxaajood intii la iska hor imaan lahaa.

Li Shangfu oo ka hadlayay Singapore ayaa sheegay in dunida ay ku filan tahay Maraykanka iyo Shiinaha oo si wadajira u kora. Hadalkan ayuu wasiirku jeediyay maalin uun kaddib markii uu diiday inuu la kulmo dhigiisa Maraykanka si ay u yeeshaan wadahadallo toosa.

“Shiinaha iyo Maraykanku waxay leeyihiin habbab kala duwan, dhinacyo kalena way ku kala duwan yihiin,” ayuu ku yiri hadalkiisii ugu horreeyay ee uu meel fagaare caalami ah ka jeediyo tan iyo markii loo magacaabay wasiirka difaaca qaranka Shiinaha bishii Maarso.

“Si kastoo ay ahaato, tani kama joojinayso labada dhinac inay raadiyaan dano ay wadaagaan si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac iyo wadashaqayn qoto dheer,” ayuu yiri. “Waa mid aan la dafiri karin khilaafka oo aad u xumaada ama iska hor’imaad dhexmara Shiinaha iyo Maraykanka inuu noqon doono musiibo aanay dunidu u dulqaadan karin.”

Xiriirka u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayaa waxa aad u xumeeyay dhawr arimood, oo ay kamid tahay arinta Taiwan iyo muranka xuduudda ee badda Koonfurta Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here