Aqoonta iyo farsamada ay Soomaalidu gaarka u lahayd waxay soo taxnayd muddo dheer.
Dharka Alindiga waa dhar Soomaalida oo kaliya ay dhaqan u leeyihiin sida loo sameeyo. Qarniyaal ayuu farsamadan jiilba jiil u gudbinayey, waxaana inta la ogyahay taariikhda la isticmaali jiray tan iyo xilligii badmareenkii Ibnu Batuuta, waxaana Alindiga lagu sameeyaa koofurta Soomaaliya oo kaliya.
Soomaaliya ka sokow waxaa xilliyadii sii horreeyey loo dhoofin jiray sida taariikhda lagu hayo jasiiradda carabta, Beershiya iyo dalalkii ay Soomaalidu xiriirka ganacsi la lahaan jirtay ee ay ku jiraan kuwa kuklaala gacanka Cadmeed.
Qarnigii 18aad iyo kii 19aad waxaa dunta laga sameeyo dharka alindiga laga keeni jiray Hindiya.
Waxyaabaha laga sameeyo waxaa ka mid ah shaararka, macawisyada, koofiyadaha, cimaamadaha iyo duruucda oo ah dharkii la xiran jiran ka hor xilligii gumaysiga, intii aysan Soomaalidu baran xirashada saraawiisha iyo funaanadaha, inkastoo hadda la sameeyo saraawiisha mararka qaar.
Cali Cismaan Faarax wuxu ka mid yahay dadka tirada yar ee ilaa hadda ku shaqaysta samaynta Alindiga. Wuxuu bilaabay 1996kii, wuxuuna farsamadan ka bartay nin ay ilmo adeer yihiin.
Waxyaabaha loo baahan yahay
Sheyga ugu muhiimsan ee dharkaas gacanta lagu sameeyo laga sameyo waa dunta harqaanka. Qarniyaal ka hor waxaa culays weyn uu ka jiray helitaanka duntaas oo laga keeni jiray dibadda.
“Duntaas ayaa la dhiririyaa, ka dibna waa xirxiraa, markaas ayaa farsamada la bilaabaa” ayuu yiri Cali. Wuxuu intaa ku daray in qalabka loo isticmaalo farsamada Alindiga uu yahay mid “gacan ku samays ah” oo ay iyagu isku xirxirteen, ayagoo ku sameeya guryaha dhexdooda.
Farsamada
“Dadka sameeya waxay u badan yihiin rag, laakinse dumarna way ku jiraan oo way caawiyaan” ayuu yiri Cali Cismaan Faarax.
“Dadka way kala gacan fudud yihiin, qof ayaa soo saari kara shan xabbo, qof ayaa soo saari kara 14 xabbo” ayuu yiri Cali Cismaan Faarax. Cali wuxuu intaa ku daray in lix qof ay uga shaqeeyaan goobta ay dharka alindiga ku sameeyaan ooku taalla degmada Xamar weyne.
“Ugu yaraan 3 saacadood ama 4 sacadood ayey qaadanaysaa in lagu sameeyo hal shey” ayuu Yiri Cali oo ka hadlayey wakhtiga galaya in hal shey la soo saaro, laakinse dharka maryaha waaweyn ka samaysan sida macawisyada ayuu sheegay in ay wakhti badan qaataan. Taariikhdu waxay sheegaysaa in qarniyaal ka hor, dadka alindiga sameeya uu qofkiiba labo shey soo saari jiray.
Suuqa ay haystaan
Cali wuxuu sheegay in ay haystaan suuq iyaga uun ku filan laakinse aan ahayn heer wanaagsan. Wuxuu BBC u sheegay in gudaha ka sokow dharka ay sameeyaan loo qaado dibadda oo dalabaad ay ka helaan.
Dalalka deriska la ah Soomaaliya qaarkood ayuu sheegay in dharkaas loo qaado.
Kuwa gudaha loo iibsado ayuu sheegay in loo isticmaalo in dadku ay ku labistaan xilliyada xafladaha ama ciidaha.
Caqabadaha
Caqabadda ugu weyn ee aysan tiro badan oo dhar ah u soo saari karin ayuu Cali Cismaan ku tilmaamay inay tahay qalabka ay haystaan oo ah mid gacanta lagu sameeyey, ayna adag tahay in la soo raro.
Arin kale oo ka mid ah caqabadaha haysta wuxuu ku tilmaamay “Meelaha fiyaalaha ah ama duakaamada waddooyinka waaweyn saaran kiradooda ayaa qaali ah” ayu yiri Cali oo wax laga weydiiyey sababata aysan dharka u geyn karin carwooyinka ama dukaamada waaweyn.
Qiimaha lagu gado midka ugu badan dharka alindiga waxaa la iibiyaa 15 Doollar, taasna waa caqabad kale oo keenaysa in aysan ka samayn karin faa’iido badan ama dadku inay ka doorbidaan dhar kale oo ka raqiisan. Sidaasoo ay tahay Cali wuxuu sheegay in ay nolol meelmeedkooda ka helaan.
Mustaqbalka
Dadka alindiga sameeya iyo meelaha lagu sameeyo ma badna, waxaase dadka dharkan xiiseeya iyo kuwa farsameeyaba ay danaynayaan in la daba qabto.
Sida lagu daba qaban karo ayuu sheegay mid ka mid ah dadkaas inay tahay in maamulladu ay dhiiri galiyaan soo saarista iyo suuq geynta dharka alindiga ee guaha dalka lagu sameeyo, iyo in dhallinyarada lagu dhiirri galiyo inay xirtaan sida dalalka kaleba dadkoodu ay u xirtaan dharka ay dhaqanka u leeyihiin.
BBCSOMALI