Qalalaasaha ka jira guud ahaan garoomada diyaaradaha ee UK ayaa weli ah mid baahsan maalinkii labaad.
Falanqaynta xogta duullimaadyada mareegaha wakaaladda wararka ee PA ayaa muujinaysa ugu yaraan 281 duullimaad, kuwaas oo la rabay inay yimaadaan ama ka dhoofaan lixda garoon ee ugu mashquulka badan Boqortooyada Ingiriiska oo baaqday maanta.
Duulimaadyada baaqday ee garoomada waaweyn:
75 Gatwick
74 Heathrow
63 Manchester
28 Stansted
23 Luton
18 Edinburgh
Duulimaadyo kale oo badan ayaa si weyn dib ugu dhacay, kumanaan rakaab oo diyaaradeedna wali way xanniban yihiin.
Sida ay wax u socdaan, ma jirto jawaab sugan oo ku saabsan sababta saxda ah ee dhammaan carqaladaynta.
Waxa aan ognahay in ay tahay cillad farsamo oo shalay sababtay in nidaamka otomaatiga ah ee lagu farsameeyo duullimaadyada uu shaqeyn waayo, taasoo ka dhigan in wax lagu maamulayo gacanta.