QARAX DAYNIILE KA DHACAY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY

qarax muqdisho 2272019

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ka ka bixiyay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay ciidamada xasilinta caasimada ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista oo ku dhow agagaarka degmada Dayniile, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenku.

Cali Cabdi Faarax ayaa xusay in ciidamada ay markii istaajiyeen gaariga, balse uu ka dhaga adeegay amarka, kadibna rasaas lagu furay ay keentay inuu meesha ku qarxo.

‘Gaariga istaag ayaa la dhahay, markii uu diidayne rasaas ayaa lagu furay, kadibna wuu qarxay oo sidaas ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari iyo sidoo kale qof shacab ah oo waddada marayay.

“Qaraxa waxaa nooga dhaawacantay 5 askari, sidoo kale waxaa dhaawac 1 qof oo shacab ah  wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri guddoomiye ku ixgeenka amniga Dayniile.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qaraxaan loo waday magaalada Muqdisho, balse ay iyagu ka hortageen, wuxuuna sheegay in ay tahay markii labaad.

“Waa qaraxii abaad ee la fashiliyo waxaa dareemee in loo safri rabay magaalada, balse waa laga hortegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Faarax Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here