RUUSHKA OO CAYRIYEY DIBLOMAASIYIIN MAREYKAN AH

vladimir putin

Diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Ruushka oo lagu kala magacaabo Jeffrey Sillin iyo David Bernstein, ayaa lagu amray inay isaga baxaan dalka Ruushka.

War ay so saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintan ay muddo 7 maalmood gudahood ah ay Ruushka uga baxaan.

Sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sillin iyo Bernstein “waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” waxayna xiriir la sameeyeen shaqaale hore oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Vladivostok, Robert Shonov, kuwaasi oo ay sirdoonka Ruushka ku eedeyeen ururinta macluumaadka ku saabsan howlgalada ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Robert Shonov ayaa ka shaqeynayay safaaradda Mareykanka ee Vladivostok in ka badan 25 sano ilaa Ruushka uu amar ku bixiyay in ceyriyo sanaddii 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here