Xasan Al-haytham wuxuu ku dhashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq oo xilligiisii ka mid ahayd meelaha cilmiga lagu barto, sannadkii 965 miilaadiga wuxuuna ku dhinta magaalada Qaahira ee dalka Masar sannadkii 1040 oo ku beegnayd sannadkii 432-aad ee tirsiga Hijriga, sidaasna wuxuu ku noolaa 74 sano.
Xasan wuxuu dhashay sannado badan oo xisaabta iyo falsafada Islaamka shaqa badan laga qabtay. Wuxuu dhashay xilliga lagu magacaabo xilligii dahabiga ahaa ee Islaamka, markaas oo dawladdii Silaamku ahayd xarunta dhexe ee cilmiga caalamka.
Waxaa magaalooyinka Islaamka sida Baqdaad ku sugnaa aqoonyahanno ka kala socda caalamka sida Giriigga, Shiinaha, Hindiya, Faaris ooh adda loo yaqaan Iran iyo meela kale.
Waxaa la turjumay buugaag badan oo falsafada u badnaa kuwaaas oo ay qoreen mufakiriinta caalamka ee hore, afafka ugu badan ee wax lagasoo turjumi jirayna waxaa ka mid ahaa, Giriigga oo iyagu ku caan ahaa dhanka Falsafada.
Waxaa xarun u ahaa cilmiga xilligaas Magaalada Baqdaad oo ay ku tiilay maktabad baaxad weyn iyo sidoo kale magaalada basra ee uu Xasan ku dhashay, Sidaas darteedna wuxuu fursad u helay inuu wax ka barto aqoonyahanno heer calami ah iyo dhul nabad ah markaas oo ay ka taliso boqortooyadii Cabbaasiyiinta oo dhaxashay Umawiyiintii ka horeeyay.
Qormadan kumasoo koobi karno taariikhda Seynisyahankan Muslimka ahaa, balse waxaan ku eegaynaa qaar ka mid ah xilliyadii nolsha Xasan Al-haytham ugu xiisaha badnaa.
Saameyntiisii ugu horreysay waxay ahayd barashada diinta iyo u adeegidda bulshada. Waqtigaas, bulshadu waxaa ka jiray fikrado badan oo iska soo horjeeda oo ku saabsan diinta oo uu ugu dambeyntii Xasan u horseeday inuu hakiyo barashada diinta. Taasi waxay keentay inuu u guntado barashada xisaabta iyo sayniska. Waxa uu ka soo qabtay jago deegaanka Basra oo uu ku dhashay, waxa uuna magac ku yeeshay aqoontiisa xisaabta.
Xilligaas waxaa jiray fatahaado dhibaatooyin ku hayey bulshadii Muslimka ahayd ee Masar oo ay ka taliso dawladdii Faatimiyiinta. Xasan wuxuu markaas sheegay inuu wax ka qaban karo fatahaadda wabiga Niil haddii fursad loo siiyo.
Waxaa lagu martiqaaday inuu la kulmo Amiirkii dawladdii faatimiyiinta, al-Hakim si uu magaalada Aswaan uga hir geliyo mashruuc biyoxireen ah. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Ibnu Al-Haytham ayaa markii uu arkay baaxadda webiga iyo biyaha uu keeno waxaa usoo baxday in uusan hir gelin Karin mashruucaas.
Balse waxaa jira caqabad kale oo ahayd sidii uu ugu sheegi lahaa Amiirkii xilligaas oo ahaa nin aad u kakan isla markaana aan ‘maya’ jawaab u qaadan, in uusan mashruucaas hir gelin karin. Maadaama aysan shareecada Islaamku ogolayn in la maxkamadeeyo qof aysan maskaxdiisu saxnayn lana ciqaabi karin wuxuu keenay fikrad ah in uu iswaalo.
Wuxuu mataly qof aysan maskaxdiisu fiicnayn, waxaana taas awgeed la geeyay meel lagu ilaaliyo oo lamid ah waxa aynu hadda u naqaan xabsi guri.
Wuxuu halkaas ku jiray muddo qiyaastii 10 sano ah, balse wuxuu halkan ku samayn doonaa wax micne kale u yeela doona Sayniska, illaa culumada Sayniska qaar ka mid ah ay isag ugu yeeraan, “Aabaha Sayniska”.
Muslimka Aabaha Sayniska loogu yeero
Xasan markan wuxuu ku jiraa qol mugdi ah oo habeen iyo maalin isku mid yihiin, wuxuuna halkaas ugu jiraa si naftiisa uusan dhibaato ugu geysan dadkana u nabad geliyo maadaama loo haysto inuu yahay qof waalan. Balse kuma qasbana inuu daqiiqad kasta halkaas ku jiro maadaama uusan ahayn qof dembiile ah.
Xasan wuxuu u fiirsaday ilayska cadceedda ee meelaha duleela qolkiisa kasoo galaya wuxuun qolkaas ku dhex darsay dabeecadda ileyska iyo aragga. Wuxuu fahmay sida ay indhaheenu u turjumaan ileyska uguna badalaan sawir iyo in maskaxdu tahay halka arraggu ka yimaad ee aysan indhaha ahayn.
Wuxuu qoray buugiisa lagu magacaabo buugga aragga (Book of Optics) wuxuuna sidaas ku noqday qofka ugu horeeyay ee cadeeya waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, in ileyski dhabbe toosan uu ku safri karo oo uusan leexan karin, qaabka araggu u shaqeeyo iyo alifidda kaamirada iyo shaqooyin kale oo badan.
Balse Xasan waxaa u dheeraa waxyaabaha sayniska ee uu soo saaray, inuu yahay qofka ugu horeeyay ee culumada saynisku ku tilmaaman inuu adeegsaday waxa loo yaqaan Qaab cilmiyeedka ‘Scientific Method”. Waa cadeynta xisaabeed iyo in si muuqata aad usoo bandhigto run ahaanshaha fkirkaaga cilmiyeed.
Tani waxay ka kooban tahay, sharraxaad, tijaabin iyo inaad ogolaato habka loo xaqiijinayo saxnaanshaha daraasaddaada, waana sababta loogu yeero “Aabaha Sayniska”.
Si kastaba ha ahaatee Xasan waxa uu ku caan baxay oraahyadiisa cilmi raadinta sida tan dhahaysa: “Xaqiiqa doonku ma aha qofka barta waxa ay qoreen dadkii ka horeeyay isaga, kadibna raaca hawadiisa kuna kalsoonaada waxa ay qoreen, balse waa kan ka shakiya waxa ay qoreen su’aal geliya waxa uu kasoo uruuriyay qoraalkooda, waa kan soo bandhiga doodihiisa iyo cadeymihiisa,” ayuu yiri Xasan Al Haytham.
“Haddii shaqada saynisyahanku ay tahay inuu runta raadiyo, hadaba waa inuu noqdaa cadowga wax walba oo uu akhriyo” Xasan Al Haytham.
Quraanka ayaa igu dhiiri geliyey Sayniska
Sida uu sheegay Ab. Halim Tamuri, barfasoore dhiga jaamacadda Malaysiya ee Kebangsaan, daraasaadka hore ee ku salaysan waxyiga rabbaaniga ah ayaa noqday hagaha fulinta cilmi-baarayaasha Islaamka. Intaa waxaa dheer, nuxurka Qur’aanka iyo axaadiistu waxay noqdeen arrimo horumariya kuna dhiiri geliya culimada dhaqankii hore ee mufakiriinta Islaamka marka ay cilmi raadinayaan.
Tani waxay ku dhacday xilligii Ibnu Al-haytham. Sanadihii waxbarashada hore ee Xasan intii uu yaraa, waxa uu ka bartay maadooyin la xiriira Quraanka iyo Axaadiista masaajidada ku hareeraysan Basra, oo u shaqayn jirtay xarunta aqoonta Muslimiinta.
Waxay taariikhyahannadu sheegaan inuu mid ka mid ah buugaagtiisa ku yiri, waxaa i dhiiri geliyey aayadda 17-aad ee suuratu Ghaashiyah “ Miyaanay eegayn sida geela loo abuuray”.
Waxaa laga yaabaa inaad taleefan ka akhrinayso qoraalkan isla markaana uu kaamiro leeyahay, waxaadse ogaataa inay tahay shaqadii Xasan Al Haytham ee buugiisa ilaysaka iyo aragga.
Waxay taariikhyahannadu sheegaan inuu qoray in ka badan sagaashan buug balse konton iyo dhowr oo kaliya lagu turjumay afka Laatiinka oo Carabiga iyo Giriigga ka dib lagu turjumay wax badan oo ka mid ah cilmigii dawladdihii Islaamku ay uruuriyeen qarniyadii dhexe.