Gantaallo ayaa ku soo dhacay Rishon LeZion oo ku taal bartamaha Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa booliska. Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Siidhigi digniinta ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay meelo kala duwan oo Israa’iil ka mid ah, oo ay ku jirto saaka, iyadoo laga digayo weeraro gantaallo ah oo laga soo qaado marinka Qaza.
Inta badan gantaalada kusoo dhaca Israa’iil waxaa naafeeyay nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, ee loo yaqaan ‘Iron Dome’. Saddex qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Tel Aviv kadib markii uu gantaal ku dhacay guri dabaq ah Jimcihii.
Tifaftiraha caalamiga ah ee BBC-da Jeremy Bowen, oo ka soo warramaya koonfurta Israa’iil, ayaa sheegay in uu maqlay qaraxyada nidaamka difaaca loo yaqaan ‘Iron Dome’ oo xilli dambe oo habeenimo ah ka hortagaya gantaallada lagu soo riday Gaza.