MUUSE BIIXI OO KA CABANAYA QARASHKA KAGA BAXAY DANJIREYAASHA KALAGOYNTA EE GOLEYAASHA DFS

muuse biixi iyo maareeye

Hogaamiyaha Maamulka gooni-u-goosadka Hargeysa Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn uga cowday dhaqaalaha kaga baxay xubnaha Danjireyaasha kalagoynta Soomaaliya ee ku jira Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi oo u waramayey Siyaasiyiin iyo Odayaal ayaa sheegay inuu Caasimadda Soomaaliya u diray lacag malaayiin doollar gaaray oo uu ugu tallo galay in lagu laaluusho xubno qadiyadda Somaliland ka difaaca Goleyaasha iyo xubno abaabulo nidaam qabyaaladeed uu ku sheegay Irir Samaale, isagoo cadeeyey in lagu guuldaraystay, isagoo eeda dusha u saaray xubnihii uu dhaqaalaha ku shubay uu hawsha u xilsaaray oo aan dhaqaalihii sidii la rabay u isticmaalin, islamarkaana jeebka ku shubtay, wuxuu sheegay in loo sheegay inay gacanta ku hayaan xubnaha Baarlamaanka, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, kuwaas oo diyaar u ah inay Dastuurka lugu qoro qodobo fududeynaya kala goa dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here