Sawiro sida ciidamada AMISOM loogu soo doweeyey Galmudug

amisom dhuusamareeb 5

Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal.

Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeesa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiisha ciidamada ayaa halkaas ku soo dhoweeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha  dowladda ee ku yaalla Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa ay dageen gudaha garoonka Ugaas Nuur ee magaaladaasi, si ay sugaan amniga garoonkaasi.

Horay ayaa waxaa magaalada ugu sugnaa ciidamada badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorshada Galmudug lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here