Xoogga dalka oo sheegtay inay jab iyo khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab

ciidamada somalia

Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka shegtay dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay isaga hor-yimaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howl-gallo baaxad leh oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose “lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.”

“Howlgalkan oo ciidanka xoogga fuliyeen xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay hub iyo saanad millitari” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkii xalay.

Magaalada Marka ayaa waxaa la filayaa in dhowaan uu booqasho ku tago ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here