Dagaal shalay galab degaanada Ceel-Afweyn ka dhacay oo khasaare dhaliyey

ceelafweyn

Wararka naga soo gaadhayaa Degaanka Masle oo ka tirsan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal uu dhexeeya labadii beelood ee walaalaha ahaa ee mudada dheer ku dagaalamayey degaanada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag.

Dagaalku wuxuu bilowday abaaro salaadii casar, warar hor dhac ah ayaa sheegaya in labada dhinac uu khasaare gaaday, oo 8 qof oo afarba isku beel yihiin ay dhinteen, telefoonada oo degaankas ka go’an awgeed ma jirto cid xaqiijisay tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalkasi iyo dhawaaca labadaasi beelood

Degaanka Masle oo ka tirsan degmada ceel afwayn ayaa hadda waxa ku sii qul qulaaya ciidanka Somaliland ee ku sugna degmada Ceel-afwayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here