Ilwad Elman oo ah aas aasaha hay’adda u dooda xuquuqda nabada iyo xuquuqul insaanka ee Elman, ayaa loo soo xulay abaalmarinta Nabadda ee Nobel, sida uu sheegay mac-hadka daraasaadka Nabadda ee Oslo.
Elman ayaa ka shaqeysa badbaadinta dhalinyarada ragga iyo dumarka ah, si looga hortago ku biiristooda kooxaha hubaysan iyo dhaqancelinta kuwa kasoo laabta ururada xagjiriinta.
“Waa ii sharaf inaan u sharaxanahay Nobel Peace Prize,” ayay Elman kusoo qortay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka.
Ilwad Elman, Nathan Law Kwun-chung oo kasoo jeeda Hong Kong iyo Hajer Sharief oo kasoo jeedda Libiya, ayaa kamid ah dadka ugu sareeya liiska musharixiinta Nobel Peace Prize ee sannadkaan 2019.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Greta Thunberg oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada, ayaa liiskaan kasoo muuqan waayay, iyagoo markii hore safka hore kaga jiray 301 qof oo loo soo magacaabay abaalmarinta bilada nabada aduunka ee Nobel Peace Prize ee la bixin doono bisha soo socota.
Maalmo ka hor Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey inuu heli doono abaalmarinta Nobel haddii si caddaalad ah lagu bixinayo. “Waxaan u maleynayaa inaan ku heli doono abaalmarinta Nobel waxyaabo badan haddii ay si caddaalad ah u bixiyaan, oo aysan iyagu haysan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha .