Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka, Soomaaliya Maxamed Calbdulaahi Salaad (Oomaar) oo ku sugan dalka Canada ayaa heshiis dhan duulimaadyada rayidka ah la galay madax ka socotay dalka Cumaan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).
Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Axmed Macalin Waxa uu Heshiis is afgarad ah la galay wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan, waxaana sida wasiirku sheegay ay isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal.
Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada, kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Calbdulaahi Salaad (Oomaar), ayaa sidoo kale halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeeshay qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi.
Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC.