Maxkamadda ICJ oo dhegaysigii dacwada badda dib ugu dhigtay 8 June 2020

muranka badda kenya somalia

Sida ay xaqiijinayaan Maxkamdda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaadhay dhegaysiga Dacwada badda Soomaaliyeed ee Dalka Kenya uu doonayo inuu boobo.

Dhegaysiga dacwadda oo Kenya codsatay in dib loogu dhigo inta uu ka dhamaanayo mudo xileedka Dawladda Madaxweyne Farmaajo ayaa iminka loo mudeeyey 8 Juun 2020.

Maxkamadda ayaa sidoo kale soo saartay in dib u dhigistani ay tahay tii ugu dambeysay, oo aan maalin dambe dib loo dhigayn.

Dawladda Kenya oo xaaladu aad ugu xuntahay ayaa rajeysayna in doorashada Soomaaliya ee 2020 ay ku guuleysanayso inay keento madax iyada taageersan, arintan oo ay horey ugu guuleysatay.

Dhowaan ayey magaaladda Kismaayo isugu geysay siyaasiyiin iyo masuuliyiin hore oo iyada taageersan, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii markii horeba u saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here