Aabe iyo caruurtiisa oo dil wadareed loogu geystay gobolka Mudug (Faah-faahin)

Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaas oo ka dhacay deegaanka Saax-Qurun oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa saddex qof, iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay wiil 8 jir ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray AUN Xasan Diiriye Cilmi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay oo mar qura rasaas ku furtay qoyskaasi ay goobta isaga baxsatay dhacdada kadib.

Sidoo kale waxaa deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo lagu baadi goobayo ragga dilka geystay ka bilaabay halkaasi.

Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here