Abaabulka Maamul bedelaya Khaatumo oo socda iyo Xubnaha Guddiga G Dhexe ee SSC oo la dhameystiray

0
khaatumo vs sl

Waxaa Qurbo-joogta iyo qolqol-joogta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka socda abaabul loogu dhisayo maamul cusub.

Waxaa la soo gabagabeeyay xulista xubnaha Gudiga Golaha dhexe ee degaanada Sool Sanaag iyo cayn Central Cometee Members ( CCM) gudigaas oo ka kooban 45 xubnood oo matalaya dhamaan beelaha degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo dhismaha gudigan uu socday bilihii u dambeeyay.

Hadda waxaa socda doorashada gudoomiyaha xubnaha  Gudiga Golaha dhexe oo ay iskugu soo hadheen Axmed Diirye iyo Axmed Gacmayare waxaana lagu wadaa in doorashada ay ilaa maanta soo gabagabowdo.

Xubnaha 45 ayaa laga dhex dooranayaa Gudoomiyaha iyo xubnaha kale kuwaa oo iskugu jira qurbajoog iyo qolqoljoog.

Waajibaadka Gudigan ayaa ah dismaha maamul dhameystiran oo kuwii hore ka adag iyo abaabul dagaallo ka dhan Somaliland.

Heshiis ay horey u wadagaleen maamulkii Khaatumo iyo Somaliland ayaa fashilmay kadib markii ay Somaliland ka baxday, iyadoo isku halaynaysa cudud ciidan oo ay istaawisay, taasoo kaliftay in loo baahdo maamul kii hore ka firfircoon oo xooga saara nidaam dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here