Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahirdaar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray.
Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo.
Maamulka Abiy wuxuu xisbiga TPLF ee ka taliya gobolka Tigrayga ku eedeeyay in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda.
Ra’iisul Wasaare Abiy oo sannadkii la soo dhaafay ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel peace prize-ka, ayaa hadda amaray howlgallo looga jawaabayo weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday ciidamada federaalka Itoobiya ee ka dhacay gobalka Tigrayga.
Abiy guul maka gaari karaa howlgalkan?
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha dalka Itoobiya ayaa aaminsan in dhowr waji ay leedahay suurtagalnimada ah in ra’iisul wasaare Abiy uu guul ka gaaro xaaladda gobalka iyo howlgallada uu amray ee looga jawaabo weerardii dhawaan lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya.
Xirsi Cabdullqaadir Maxamed oo ka faallooda arrimaha Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in qalalaasaha gobalka Tigrayga aanu aheyn mid si degdeg ah guul looga gaari karo.
“Dagaalkaan ma ahan mid degdeg guul looga gaari karo, sababta keliya ee guul degdeg ah looga gaari karo waa haddii kacdoon shacab ah aanu ka dhex jirin Oromada dhexdeeda ama shucuubta kale ee qoomiyada isku leyneysa shacabka Tigrayga aanu la socon maamulkiisa, waxaana laga yaabaa in uu gaaro guul aan la ogeyn xiligey ku dhamaaneyso”, ayuu yiri Xirsi Cabdullqaadir Maxamed.
Waxaa la saadaalinaya in shacabka gobalka Tigrayga ay raacsanyihiin maamulkooda, ayna la safanyihiin Xisbiga TPLF.
Isku xirnaanka shacabka iyo dowladda TPLF ee gobolka Tigrayga “waxay kala dhantaali kartaa qorshaha” Abiy ee ah in tallaabooyin awood militari ah loo adgeesado gobalka, waxayna soo dedejin kartaa dagaal ciribtiisu noqon karto fashil ku yimaada arrimihii nabad-doonnimada Ra’iisul Wasaare Abiy ee sababtay in uu guddoomo abaalmarinta nabdda ee caalamiga ah.
“Waxey u badantahay in shacabka Tigrayga ay la socdaan xisbiga TPLF iyo maamulkooda, dagaalkaasna wuu daba dheeraan doono taasina waxay horseedi doontaa dagaal sokeeyna in uu ka dhaco,” ayuu Xirsi oo BBC Somali la hadlay.
Khalalaasahaan ka taagan gobalka Tigrayga ee dalka Itoobiya oo muddooyinkaanba taagna, ayaa si aad ah u soo ifbaxay markii maamulku gobalkaas uu qabsaday doorasho xilli uu jiray go’aan horey uga soo baxay dowladda dhexe oo ku aadanaa in sannadkan aan dalka doorasha ka qabsoomi karin, sababo la xiriira fayraska faafa ee karona.
Maxaa keenay in uu awood adeegsado Abiy Axmed?
Dowladda dhexe ayaa ku eedeeysay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigrayga in uu wado tallaabooyinka ka dhan ah ciidamada militariga ee fariisimaha ku leh gobalkaas.
Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay howlgalka militari ee lagu qaaday gobolka Tigrayga, isla markaana uu sii socon doono howlgalkaas.
Warka uu soo saaray Rai’sul wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay: “in khadka cas laga tallaabay, islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado TPLF”.
Inkastoo oo muddaba la saadaalinayay in dowladdu aaney adeegsan doonin awood militari haddana maalmihii la soo dhaafay wararka ay labada dhinac isku marinayeen hawada ayaa laga dheehan karay in dagaal dhici karo, iyadoo ugu dambeyn la sheegayo in xoogaga TPLF ay bilaabeen dagaalka oo ay weeraren xarun ciidan oo ku taalla gobalkaas.
Xisbiga TPLF wuxuu ahaa midkii ugu awoodda badnaa Itoo biya ilaa sannadkii 2018-kii, markaas oo Abiy uu la wareegay xafiiska ka dib mudaharaadyadii wadanka oo dhan ka dhacay oo qowmiyada Oromada ay hormuudka ka ahayd. Waxaa muuqatay in tan iyo waagaas awoodii xisbiga ay yaraatay.
Xisbigan TPLF oo ahaa jabhaddii uu hoggaaminayay Meles Zanawi ayaa hoggaanka dalkaas Itoobiya qabatay sannadkii 1991-dii. Markii Meles uu dhintay, sannadkii 2012-kii, waxaa billaabatay in awoodda TPLF ay sii yaraato.
Dalalka illaa iyo hadda ku baaqay dejinta xiisadda?
Arbacadii, xilli ay socotay codeynta doorashada Mareykanka, Xoghayaha Arimaha dibada ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa soo saaray bayaan uu ku baaqayo in la joojiyo qalalaasaha.
“Waxaan ka xunnahay dhimashada naxdinta leh ee dadka, waxaanna ku boorineynaa in si degdeg ah wax looga qabto soo celinta nabadda iyo in xiisadda la dejiyo – Ilaalinta nabadgelyada rayidka iyo amniga waa muhiim,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Dowladda Ingiriiska ayaa iyaduna ku baaqday in la joojiyo xiisadda iyo in la ilaaliyo amniga dadka rayadka ah.
Xaaladda ka taagan Itoobiya ma horseedi kartaa inuu dalka kala go’o?
Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.
“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.
Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.
Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.
Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.
Waxay siyaasiyiinta gobolkaas sheegeen in Golaha Federeeshiinka ee degaanka Tigreega uu si ka duwan deegaannada kale uu u qabsanayo doorashadiisa.
Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.
Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.
Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.
Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”.
Waxay Dr Abiy Axmed ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu “ku sameysan lahaa dowlad sal adag”.
“Waligeen ma taageeri doonno qof walba oo ujeeddadiisu tahay inuu kala dhantaalo xaqa aan dadaalka dheer usoo galnay ee ah inaan “ismaamulno” iyo inaan “go’aan gaar noo ah lahaanno,” ayuu yidhi hoggaamiyaha gobolkaas, Debretsion Gebremichael, oo hadlay bishii August.