Abiy oo digniin u diray dalal uu ku eedeeyay farogelin

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah dalal uu sheegay inay faro-gelin ku hayaan arrimaha dalkiisa, sida ay baahisay wakaalada wararka dowladda ee ENA.

Abiy ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan dalal awood badan oo uusan carabaabin.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, islamarkaana iyagu ay ka arrinsanayaan masiirkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa, isagoona ku eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin ay dalkiisa ka wadaan olole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

Abiy marnaba ma shaacin dalalka faro-gelinta ku haya ee uu digniinta u diray, kuwaasi oo u badan hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, oo xukuumaddiisa cadaadis ku saaraya qabashada doorashada oo markale dib u dhac ku yimid.

“Itoobiya u wiiqmi-meyso turun turooyinka laga soo maleegayo dalalka dibadda,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Hadalka Abiy ayaa imanay xili uu Sabtidii toddobaadkan Madaxa guddiga doorashada Ethiopia uu shaaciyey in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi, midaasi oo xiligan muuqan.

Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray.

“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June. Ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa oo ka gaabsatay shaacinta xiliga cusub ee ay qabsoomayaan doorashooyinkaas.

Tan iyo markii ay soo baxday dib u dhaca doorashada Itoobiya waxaa isasoo taraya guuxa dalalka beesha caalamka oo u arka Abiy Ahmed mid ka leexday dhabihii dimoqraadiyadeed ee uu hore u ballan-qaaday, waana mida keentay in maanta uu gaashanka u daruuro ra’iisal wasaaruhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here