Abiy oo ku dhowaaqay in dagaalka Tigray uu galay wejigii ugu dambeeyey

abiy axmed2

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamadiisa ay bilaabi doonaan dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu qaadayo Tigray, si meesha looga saaro ciidamada TPLF ee dagaalka ka wada halkaasi.

Abiy Axmed ayaa dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi uu galay wejigii ugu dambeeyey, isaga oo amary ciidamada inay qaadaan howl-galkii ugu dambeeyey ee lagula wareegayo caasimada Tigray ee Mekelle oo ah meesha xudunta u ah dagaalka.

Ra’iisul wasaarahaha Itoobiya ayaa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan bad-baadinta dadka shacabka ah iyo in uusan burbur soo gaarin magaaladaasi.

“Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn,” ayuu yiri Abiy.

Sidoo kale waxaa dhammaaday muddadii 72 saac ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka TPLF, iyada oo hoggaanka jabhaddaasi ay ku gacan seereen.

Xaaladd Itoobiya ayaa haatan ah ah mid aad u adag, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay si weyn uu uga walaacsan tahay xaaladda gobolka Tigray ee dalkaasi.

Itoobiya ayaa xiisad dagaal iyo colaad sokeeye gashay, kadib markii todobaadyo ka hor ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here