Abiy oo madaxweyne KMG ah u magacaabay Tigrayga

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Kumeel gaar ah u magacaabay gobolka ay dhibaatada ka bilaabatay ee Tigraay.

Gobolkaan ku yaalla waqooyiga dalka ayey dhibaatada laga cabsi qabo iney dalka dagaal sokeeye galiso ka bilaabatay, balse Dr. Mulu Nega ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay inuu maamulo isla markaana soo dhiso xukuumad kumeel gaar ah.

Markuu bilowday dagaalka u dhaxeeya gobolka ismaamulka Tigraay iyo dowladda dhexe waxey Baarlamaanka Itoobiya ku dhawaaqeen iney kala direen taliskii, waxaana xigtay in 39 sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Tigraay xasaanadda laga qaado.

Saraakiisha xilka qaadista lagu sameeyay waxaa ugu weyn madaxweynahii maamulkaas ee Debretsion Gebremichael, sidoo kale saraakiisha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya.

Xaaladda Itoobiya ka jirta aad ayaa looga deyrinayaa iyadoo Qaramada Midoobey ay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka ku nool gobolkaas ee ka qaxaya dagaallada halkaas ka socda maadaama aysan jirin waddo lagu gaarsiin karo gargaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here