Abiy oo shaaca ka qaaday inuu dhammaaday waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka TPLF

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo qoraal soo saaray ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Abiy ayaa shaaca ka qaaday inuu dhammaaday waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidamadiisa.

Mudada uu qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa aheyd saddex maalin oo maanta ku ekeyd, wuxaana baaqiisu ahaa inay si nabad-gelyo isku soo dhiibaan ciidanka Tigrayga.

“Waa dhammaatay muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF, ” ayuu yiri Abiy Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu mahad-celinayo dhammaan dadkii faa’iideystay fursadaasi ee isku soo dhiibay ciidamada federaalka ee duulaanka ku qaaday Tigrayga.

Go’aankan ayaa uga sii dari kara dagaalka u dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay maalmo badan oo xiriir ah.

Xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi oo qaatay in ka badan 10 cisho.

Kumaanaan kun oo qoys ayaa sidoo kale isaga qaxay gobolkaasi, kuwaas oo u talaabay gudaha dalka Suudaan.

Si kasataba wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya sii socoshada dagaalkan iyo colaadaha ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here