Abwaan Soomaaliya oo u bareeray soo saarista miinooyiinka?

Abwaan Xasan Koosaar

Xasan Koosaar, oo abwaan ah, wuxuu ku sugan yahay magaalada Hargeysa wuxuuna la shaqeeyaa hay’adda samafalka ah ee miinooyinka dhulka ka baarta ee lagu magacaabo HALO.

Wuxuu abwaanku ka mid yahay khubarada u bareerta miinooyinka ku aasan dhulka, oo ah kuwii haraadiga ka ahaa ama la duugay sannadihii ay dagaallada sokeeye ka socdeen Soomaaliya.

Qaar kale oo ka mid ah kooxda uu la shaqeeyo Xasan ayaa sidoo kale abwaanno ah, ama xitaa fanka ku lug leh, waxayna soo wadaan albun heeso badan iyo gabayo ku jiraan, oo ay si wadajir ah u sameeyeen.

Laakiin Xasan qisadiisu way ka duwan tahay dhammaan saaxiibbadiisa kale ee ay ka wada howl galaan baarista iyo soo saarista miinooyinka dhulka ku aasan.

‘Maalintii aan dhalnayay waxaa magaalada la igu dhalay duqeynayay 9 diyaaradood’

.

Wuxuu dhashay xilli ay waddanka ka taagneyd colaad ka dhalatay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Bishii March ee sanadkii 1977-kii ayaan ku dhashay magaalada Hargeysa. Xilligaas waxaa heerkii ugu sarreeyay marayay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya. Sida la ii sheegay, Soomaaliya waxay gudaha u gashay Itoobiya, halka Itoobiya ay duqeyneysay magaalooyin ka tirsan Soomaaliya – oo ay ku jirto magaalada aan ku dhashay ee Hargeysa – waxaana la ii sheegay in 9 diyaaradood ay duqeynayeen magaalada maalintii aan anigu dhalanayay. Isbitaalkii aan ku dhashay dadkii ku jiray oo dhan waxaa loo daad gureeyay meel gabbaad looga dhigo,” ayuu yiri Xasan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in saacadihii ugu horreeyay ee uu Xasan dunida kusoo biiray uu gantaallada diyaaradaha uga dhuumanayay geedo waaweyn hoostood.

Dhibaatadaas waxaa uga sii darneyd tii qabsaday markii uu carruurnimadiisa ku naalloon lahaa nabad iyo xasilooni.

Isagoo wali aad u da’ yar ayuu Xasan aabihiis ku biiray kooxihii hubeysnaa ee kasoo horjeeday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dagaalladana la galay ciidamadii dowladda. Sannado badan kaddib ayuu dib ula kulmay aabihiis.

Ciidammo Soomaali ah oo 1977 ku qaadanaya tababar goob aan la cayimin oo ku taalla Soomaaliya xilli uu socday dagaalkii ay Soomaaliya kula jirtay Itoobiya.
Qoraalka sawirka,Ciidammo Soomaali ah oo 1977 ku qaadanaya tababar goob aan la cayimin oo ku taalla Soomaaliya xilli uu socday dagaalkii ay Soomaaliya kula jirtay Itoobiya.

11 sano ayuu jiray sanadkii 1988-kii, markii uu dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadii dowladda iyo kooxihii kasoo hor jeeday meeshii ugu xumeyd gaaray, uuna saameeyay nawaaxiga Hargeysa iyo deegaannada kale ee ku dhow dhow.

Qoyskiisa markii ay dareemeen in xaaladda amni darro ay ka dartay waxay u carareen dhinaca Itoobiya.

Markii ugu horreysay waxaa israacay Xasan, walaalkiis ka yar iyo ayeeyadood.

Hase yeeshee, waxaa jiray diyaarado kormeer ah oo dusha kala socday cid kasta oo isku dayda inay baxsato.

“Waxaan soconeynay xilliyada mugdiga uu jiro oo kaliya, maalintiina waxaan isku qarineynay howdka dhexdiisa. Annagoo geedaha ku dhex jirna ayaan arkeynay diyaaradaha kormeerka ah, waxaana naloo sheegay in markii ay dad socda arkaan ay wargalinayeen diyaaradaha duqeymaha fuliya, kuwaasoo marka ay weerarrada fulinayaan aan kala sooceynin haween carruur iyo ciidamo toona,” ayuu yiri abwaan Xasan Koosaar.

‘Aab baan u argagaxsaneyn’

Xasan wuxuu sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen safarkoodii ay magangalyada ku raadsanayeen.

“Aad baan u argagaxsaneyn, waan daallaneyn, waana gaajeysneyn,” ayuu yiri.

Wuxuu aabihiis markii dambe kula kulmay meel 30 km gudaha Itoobiya ku jirta, ugu dambeyntiina waxay qoyskiisa hoy ka heleen xero ay qaxooti ku noolaayeen oo ay gacanta ku heysay Qaramada Midoobay.

Howsha miino baarista

Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay dhibaato badan u geystaan dad rayid ah
Qoraalka sawirka,Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay dhibaatada ugu badan u geystaan dad rayid ah

Markii ay Somaliland si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday sanadkii 1991-kii, Xasan wuxuu dib ugu laabtay Hargeysa, oo markaas nabad noqotay.

“Magaalada bililiqo ayaa ka dhacday, guryaha oo dhan way burbursanaayeen, meel kasta waxaa ku aasnaa miinooyin, meelo badan waxaa yaallay hub aan wali qarxin. Miinooyinka waxay ku aasnaayeen agagaarka isbitaallada, saldhigyada booliska, xabsiyada xarumaha milatariga iyo waddooyinka la maro badankood,” ayuu yiri.

Xasan wuxuu BBC-da u sheegay inuu khatar badan u galay miinooyinka waddooyinka ku aasan xilliga uu aadi jiray iskuulka, isagoo riyadiisu ay ahayd inuu barto cilmiga caafimaadka si uu dhakhtar u noqdo.

Laakiin goor dambe wuxuu Hargeysa kula kulmay koox ka shaqeysa baaritaanka iyo soo saarista miinooyinka, kana yimid dibadda. Wuxuu markii hore ugu tagi jiray inuu dadkaas ajnabiga ah la sheekeysigooda ku hormariyo luuqaddiisa Ingiriiska.

Hase ahaatee wuxuu markii dambe la dhacay shaqada ay wadeen iyo badbaadinta dadka rayidka ah ee halista ugu jiray hubka ku qarxi karay.

Muddo yar kaddibna waxaa u suurtagashay inuu ku biiro, oo uu dhakhtar u noqdo koox ka shaqeysa miino baarista.

Markii ay hay’adda caalamiga ah ee miino baarista (HALO) tagtay magaalada Hargeysa, Xasan wuxuu ka helay shaqo.

“Tababarro badan kaddib waxaan billaabay inaan u bareero raadinta iyo soo saarista miinooyinka. Kama cabsan jirin waayo waxaan dhiirrigalin ka heystay dhalinyarada kale ee howsha ila wadday iyo tababarka baaxadda leh ee aan u qabay shaqadaas. Bishii ugu horreysayba waxaa ogaaday inay shaqadani tahay tii igu habbooneyd oo nolosheyda ka dhimmaneyd”, ayuu yiri.

Waxaa u suurtagashay inuu miinooyin badan soo saaro, kaddibna burburiyo.

“Markii adiga iyo kooxdaada aad ku guuleysataan inaad miino meel ku aasneyd ka saartaan ama bambo aan qarxin si nabad ah u burburisaan, waxaad ogaaneysaan inaad ka shaqeyseen badbaadinta dad badan naftooda. Mar kasta oo aad hub ka qaaddid goobaha ay carruurta ku ciyaarayaan waxaad dareemeysaa bani’aadannimo iyo qanacsanaan.”

Xasan, oo gabayo badan ka tiriyay arrimaha la xiriira miino baarista, ujeeddadiisa ugu weyn waa in dunida laga xoreeyo miinooyinka aasan, wuxuuna ku rajo weyn yahay in halka lagu gaaro sanadka 2025-ka aysan jiri doonin miino dadka waxyeelleysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here