Afar arrimood oo Biden iyo Soomaalida khuseeya balse Trump uu uga duwanaa

trumo iyo joe biden

Farqi weyn ayaa u dhaxeeya madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Joe Biden, iyo madaxweynihii hore, Donald Trump, marka laga eego dhinaca Soomaalida iyo arrimhii dhex maray.

Soomaalidu waxay ka mid ahaayeen dadka sida weyn uga soo horjeeday madaxweyne Trump, halka madaxweyne Biden ay soo dhaweynayeen doorashadiisa.

Taas waxaa keenay arrimo dhowr ah oo dhex maray Trump iyo Soomaalida. Laakiin Biden ayaa marka mowduuca ku saabsan Soomaalida la eegayo uga fikir duwan Trump.

1 Galitaanka Mareykanka

Markii Trump loo doortay xilka madaxweynaha Mareykanka, taallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa in uu mamnuucay qaxootiga iyo dadka kasoo safraya dalalka muslimiinta qaarkood, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Halkaas waxaa sidoo kale hakad buuxa ku galay qaxootigii Soomaalida ee uu Mareykanka qaadan jiray, go’aanka Trump awgiis.

Arrintan waxay si toos ah u saameysay dad badan oo Soomaaliyeed, oo qaarkood rajo fiican ka qabay in ay u dhoofaan Mareykanka, kuwo kalena ay duullimaad kaliya sugayeen.

Laakiin madaxweyne Biden ayaa mowqifkaas uga duwan madaxweynaha xafiiska uu kala wareegay, wuxuuna shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay markii xilka loo dhaariyay ka dhigay in uu meesha ka saaray wareegtadii madaxweyne ee uu Donald Trump ku mamnuucay soo galootiga muslimiinta ah.

100-ka maalmood ee ugu horreysa maamulka Biden waxaa la tirtiri doonaa raadkii Trump ee maamulka, durbana wuxuu madaxweynaha cusub saxiixay 10 qorshe oo wax looga qabanayo cudurka Covid-19 ee Trump lagu eedeynayay in uusan si dhab ah u wajihin la dagaallankiisa.

2- Wadashaqeynta

Madaxweyne Trump intii uu siyaasiga ahaa iyo muddadii uu madaxweynaha ahaa midna lama uusan shaqeynin jaaliyadda Soomaalida Mareyakanka, xiriir fiicanna kama dhaxeynin labada dhinac.

Hase yeeshee dhinaca siyaasaddiisa arrimaha dibadda ayuu xiriir kula lahaa dowladda Soomaaliya, intii uu xilka la wareegay kaddibna wuxuu sare u qaaday weerarradii ka dhanka ahaa al-Shabaab ee Soomaaliya.

Bilihii ugu dambeeyay ee uu Trump joogay xafiiska Aqalka Cad wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya garabka siinaya dhammaantood laga soo saaro halkaas.

Balse arrimahaas oo dhan lidkooda, Joe Biden wuxuu ahaa siyaasi xiriir wanaagsan la leh bulshada Soomaalida ee Mareykanka. Haddana waxaa la saadaalinayaa in uu meesha ka saaro amarka uu Trump ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, dibna ay ugu laabtaan howlihii ay ka wadeen dalka ku yaalla geeska Afrika.

Dhanka wadashaqeyntana, Biden wuxuu ololihiisii doorashada shaqo ka siiyay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso), kaasoo ahaa isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika.

Maxamed Boosaaso waxay shaqadiisu ahayd sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa in ay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda.

Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xiro bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka.

“(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”.

3- Saaxiibbada Soomaalida ah

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, dhowr jeer ayuu dhaliilo u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, xilliyo kala duwan oo uu booqday gobolka soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayuuna ka jeediyay hadallo uu ku weerarayay dadka Soomaaliya kasoo jeeda.

Hase yeeshee Joe Biden ayaa lagu tilmaamaa siyaasi saaxiib la ah Soomaalida, aadna ay isugu dhow yihiin.

Joe Biden oo muddo sideed sano ah soo ahaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka xilligii Barack Obama ayaa sanadkii 2015-ka mar uu Aqalka Cad ku marti qaaday bulsho Muslimiin ah oo ay Soomaalida ku jirto waxaa uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya dadka kasoo jeeda geeska Afrika ee ku nool Mareykanka.

Mr Biden waxaa uu xilligaas sheegay in maamuulkiisi uu xiriir wanaagsan la sameynayay bulshada Soomaalida ee ku nool gobolkaas, isagoona soo hadal qaaday xiriirka gaarka ah e isaga kala dhaxeeya Soomaalida.

” Soomaalida yar ee ku nool magaalada aan kasoo jeedo ee Delware waa ay muuqdaan, annigu gaar ahaan waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaalida ku nool magaaladaas haddii aad ii raacdo halka laga raaco tareenka, waa ay joogaan oo takaasiley ayay ka yihiin halkaas, xiriir wanaagsan ayaa iga la dhaxeeya” ayuu yiri Joe Biden, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo sanadkii 2015-ka ka hadlayay Aqalka Cad shir lagu qabtay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in saaxiiba uu ku leeyahay Soomaalida ku nool Mareykanka, taasina ay tahay arrin dhab ah. Biden waxaa uu markaasi sidoo kale sheegay in Soomaalida ay qaab muhaajiriin ahaan ah kusoo galeen Mareykanka, haddana ay ka dhigteen gurigooda.Waxaa uu xilligaas ka qeybgalayay shirweyne looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa tashkiilinta dhallinyarada ku biiray kooxaha Islaamiyiinta.

Markii uu hadalkaas jeedinayay ayaa dadkii kulankaasi lagu martiqaday waxaa kamid ahaa Soomaali, kuwaas oo ka qeybgalayay shirweynaha looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa xagjireynta caruurta.

4- Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar waa xildhibaanad ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ee loo yaqaanno Congress-ka, waana gabar kasoo jeedda Soomaaliya oo qaxootinnimo ku tagtay Mareykanka.

Afartii sano ee lasoo dhaafay Donald Trump iyo Ilhaan Cumar waxaa ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo aad u xoog badnaa.

Marar badan ayey isku weerareen baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, isu soo baxyada siyaasadeed iyo warbaahinta Mareykanka.

Waxay Ilhaan ku jirtay siyaasiyiinta ugu cadcad xisbiga Dimuqraaddiga ee waday ololaha ka dhanka ah Donald Trump. Xisbigeeda waxay labo jeer ku guuleysteen in ay Golaha Wakiillada ku meel mariyaan soo jeedin xil-ka-qaadis ah oo lagu sameynayo Trump, inkastoo uusan Aqalka Senate-ka ansixinin tallaabadaas.

Ilhaan waxay ku xaqiijisay in mar kale loo doorto kursiga Congress-ka ee ay ku mataleyso gobolka Minnesota, inkastoo Trump uu aad ugu dadaalayay in aysan mar labaad soo bixin, sida ay Ilhaan qudheeda sheegtay.

Laakiin hadda waxaa soo afjarmay dagaalkii siyaasadeed ee Ilhaan Cumar iyo madaxweynaha Mareykanka, maadaama Joe Biden uu yahay siyaasi ay isku xisbi yihiin Ilhaan Cumar.

Mareykanka ayaa laga filayaa in uu ka dhaco isbaddal la taaban karo, sida horayba u dhici jirtay marka ay xilka ku kala wareegaan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here