Afar dal oo ka faa’iidaya fashilka reer galbeedka ka raacay Afghanistan

talibaan

Tan iyo markii ay kooxda Taalibaan si buuxda u qabsadeen caasimada dalka Afghanistan ee Kabul, ayaa waxay dalal badan oo reer Galbeed ah iyo Mareykanku u kala carareen sidii ay muwaadiniintooda uga saari lahaayeen Afghanistan.

Waxaa soo baxaya in dalal dhowr ah ay ka faa’iideysanayaan xukunka ay la wareegtay Taalibaan, halka Mareykanka iyo xulufadiisu ay soo wajahday cabsi hor leh.

Dalalka ugu waaweyn ee xiligan la fahamsan yahay inaysan ka wal-walsaneyn in Taalibaan ay gacanta u gasho xukunka Afghanistan, islamarkaana xukunkeeda ka faa’iidaya ayaa waxa kamid ah; Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Qatar.

Ruushka ayaa waxa uu toddobaadkan gudihiisa shaaciyey in wada-hadalo u billowdeen Taalibaan, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka.

Sidoo kale waxa bayaankaas lagu sheegay in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray.

Shiinaha ayaa sidoo kale xiligaan xoojinaya Talibaan iyo sharci ahaanshiyaha waxyaabaha ay sameynayaan, iyada oo ay jirto in dad badan ay dhaliileen ficiladooda dhiirrigeliya argagaxisada iyo cadaadinta haweenka.

Dowladda Shiinuha ayaa waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horreeyey ee taageeray Talibaan, kadib markii laba toddobaad un ka hor markii wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi, uu wafdiga Taliban ka socday ku soo dhoweeyay waqooyiga Tianjin, xiligaas oo ay ku jireen marxaladihii ugu dambeeyay ee xilka looga tuurayay dowladdii Afghanistan.

Sidoo kale, Pakistan ayaa ayadu laftigeeda soo dhaweysay qabsashada Talibaan ee Afghanistan, taasi oo uu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Cimran Khan uu ku macneeyay “in Afghanistan ay jebisay, iskana saartay silsiladihii addoonsiga, ka dib markii ay burburtay dowladdii dalkaas.”

Wararka ayaa sheegaya in guusha Pakistan ay tahay mid ay dano gaar ah ka leedahay inkastoo ay saraakiisha dalkaas nukliyeerka haysta ay beeniyeen arrintaas, waxaana la sheega in dhaawaca Talibaan ee muddadii 20 sano ahayd lagu daweyn jiray dalkeeda.

Geedi socodka nabadeynta Afghanistan ayaa waxaa la rumeysan yahay in Qatar ay ka aheyd xubin muhiim ah, xili ay waday wada-hadallo nabadeed oo dhex-marayay xukuumadii la riday iyo Talibaan.

Sidoo kale waxa la ruemysan yahay in Qatar ay si weyn u taageerto ururka Talibaan, oo lagu tilmaamay inay taageerto garabkooda siyaasadda, si ay u siiso aqoonsi caalami ah, waxayna xiligaan noqon karta faa’iideystaha ugu horreeysa,

Si kastaba, afartaan dal ayaa noqonaya dalalka ugu waaweyn ee la fahamsan yahay inay ka faa’iideysan doonaan xukunka Talibaan, ayaga oo galan-gal xoogan ku yeelanaya Afghanistan, xili ay kooxdu isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqdo inay dalkaas ku xukumayso shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here