Afar sababood oo Guutada Soomaalida ee Ukraine ay ku jeclaadeen Soomaalida

ciidamada ruushka

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, waxaa la soo tebinayay in xoogagga sida wayn u garab taagan Ruushka, saamayn ballaaranna ku leh dagaalka ay ka mid yihiin koox loo yaqaanno “Guutada Soomaalida”, balse waxaa su’aalo badan la iska weydiinayay sida uu magacaas ugu baxay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la isla dhex marayay in kooxdan ay dowladda Ruushka u gacan geliyeen magaalada Mariupol oo uu muddo dheer uu ka socday dagaal la isku mari waayay, kadibna ay ku laabteen halkii ay kasoo baxeen.

Waxaa la shaaciyay muuqaallo laga soo duubay ciidamada kooxdan iyo taangiyadooda oo lagu soo dhaweeyay magaalada Donetsk.

Sidoo kale, qayb kale oo isla ‘guutada Soomaalida’ ah ayaa lagu soo warramay in ay ka dagaallamayaan jiidda hore ee dagaalka lagu go’doomiyay warshadda birta Ukraine ee Azovstal, halkaas oo lagu tilmaamay difaaca ugu dambeeya ee magaalada Mariupol.

Sababtii loogu bixiyay magaca Soomaaliya iyo ninkii aasaasay

Sanadkii 2014 waxaa kooxdan aasaasay Mikhail Sergeyevich Tolstokh oo loo garan og yahay magaciisa afgarashada ee “Givi”, kaasoo noqday taliyahoodii ugu horreeyay, sida aan ka soo xigannay qaar ka tirsan warbaahinta Ukraine, sida iNews.

Magaca afgarashada waxaa loogu bixiyay si loogu sharfo awowgiis oo ka mid ahaa askartii Midowga Soviet ee ka qayb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Givi waxa uu sanadkii 1980 ku dhashay magaalada Ilovask ee gobolkii la oran jiray Soviet Donetsk, waxaana la sheegaa in awooweyaashiis ay ka soo jeedaan waddanka Georgia.

Intii u dhaxaysay 1998-kii ilaa 2000, Givi waxa uu tababar militeri ku qaatay xeryaha ciidanka Ukraine, balse goor dambe wuu isaga baxay ciidamada qalabka-sida.

Givi wuxuu ka qayb galay dagaallo badan

Markii uu joojiyay shaqada militeriga waxa uu waardiye ka noqday mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee magaalada Donetsk, kaddibna shaqooyin kale ayaa ugu sii xigay.

Markii uu qalalaasaha Bariga Ukraine billaabanayay sanadkii 2014, Givi oo xilligaas ahaa 34 jir iskaabulo ah waxa uu ka shaqaynayay gaari naftada xamuulka ah lagu qaado oo ay leedahay warshad maxalli ah.

Bishii April ee isla sanadkaas 2014-kii, Givi waxa uu ka qayb galay dagaal ciidamada uu la socday lagu jebiyay oo ay isku dayayeen inay ku difaacaan Donbas, waxaana lagu khasbay inuu u baxsado dhinaca magaalada Donetsk kaddib markii laga awood batay.

Sidaas awgeed, waxaa loo weeciyay inuu ku biiro maleeshiyaadkii ka dagaallamayay garoonka diyaaradaha ee Donetsk, halkaasoo ay isku barteen dagaalyahan caan ahaa oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha xoogagga bariga Ukraine, oo lagu magacaabi jiray Arseny Pavlov, balse loo yaqaannay “Motorola”.

Pavlov waxa uu ahaa nin gawaarida dhaqi jiray oo kasoo jeeday Ruushka, markii dambena aasaasay koox lagu magacaabo “Motorola” oo ka koobnay 200 oo dagaalyahan.

Ciidamada Ukraine

Givi si degdeg ah ayuu xirfaddiisa ugu muujiyay dagaalka Garoonka Diyaaradaha, sidaas darteedna waxa uu soo jiitay dhallinyaro badan oo maxalli ah, kuwaasoo aan jecleyn in ay dad Ruushka u dhashay hoggaamiyaan.

Isla markiiba waxa uu sidaas ku aasaasay guuto u gaar ah isaga ku magacaabay “Somali Battalion” ama “Guutada Soomaalida”.

Sababta uu magaca u xushay ayuu ku tilmaamay in ay salka ku haysay afar arrimood.

  • In ay ku dayanayeen kooxihii burcad-badeedda Soomaalida
  • In labis ciidan ama dirays u gaar ah aysan lahayn, sida malayshiyaadka Soomaalida
  • In dagaalkoodu uu yahay oo kaliya midka loo yaqaano ‘ku dhufo oo ka dhaqaaq’
  • In iyagoo aan hub casri ah haysan, tababar heer sare ahna aan qaadan ay dowlado la dagaallameen

Arrimahan ayuu u cuskaday in Soomaalidu ay yihiin dad geesiyaal ah oo iyadoo awood badan aan haysanin u babac dhiga quwado waawayn.

Hoggaamiyihii kooxda Motorola oo ay si wayn u saaxiibeen ayaa u aqoonsaday kooxdaas, waxa uuna u hirgeliyay magacaas oo ilaa hadda ay isticmaalaan.

Dhowr sano kaddib, 2017-kii, Givi waxaa lagu dilay gantaal qorsheysan oo lala beegsaday isagoo xafiiskiisa ku jira, isla goobtaas ayuuna ku geeriyooday, sida ay shaaciyeen warbaahin kala duwan oo uu ka mid yahay wargayska New York Times.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here