Afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka oo amartay in la diyaariyo xil ka xayuubinta Trump

trump

Afhayeenka Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga dimqoraadiga inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday “inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa.”

Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynenimo, kuna xadgudbay waajibkii uu ku dheertay ee ilaalinta dastuurka Mareykanka.

Waxay ku eedeysay inuu Ukraine weydiistay inay baaritaan ku sameyso mid ka mid ah musharaxiinta dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan doorashada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado.

“Xaqiiqoyinka lama diidi karo,” ayey tiri Pelosi. “Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay awooddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uu uga hormariyo amnigii qaranka.”

Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka dimoqraadiga inay diyaariyaan qodobada xil ka-xayuubinta.

Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan.

Xigasho;VOA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here