Afhayeenkii hore ee ururka Al-QAACIDA oo guri loogu iibiyey lacag dhan $1 milyan

Adel Abdel Bary

Afhayeenkii hore ururka Al-Qaacida ayaa guri ku kacaya 1.3 Malyan oo dollar loogu iibiyay magaalada London, iyadoo ninkaan uu si dhaw ula shaqeyn jiray hogaamiyahii laga takhalusay ee ururkaas Osama Bin Laden.

Wargeyska Daily Mail ayaa tabiyay in ninkaan laga soo daayay xabsi ku yaalla dalka Mareykanka sababo la xiriira xanuunka Covid19, waxaa la sheegaa inuu qabo xanuuno sababa in neefsiga ku adkaado iyo cayilkiisa.

Adel Abdel Bary oo lixdan jir ah ayaa muddo 25-sano ah ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, waxaana loo xiray tuhun la xiriira qaraxyadii lagu beegsaday safaaradaha Mareykanka ee wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998, weeraradaas oo ay ku dhinteen in ka badan 200 ruux.

Warbaahinta waxey qortay in cabsiga laga qabo inuu ku dhaco Covid19 darteed maadaama uu xanuuno kale qabo loo sii daayay, dib ayuuna ugu soo laabtay dalka Ingiriiska.

Waxyaabaha lasoo tabiyay waxaa ka mid ah in Adel Abdel Bary iyo qoyskiisa ay dagan yahiin guri qiimahiisa lagu sheegay 1.3 Malyan oo Doolar, waxaana bixiyay golaha deegaanka Maida Vale oo ah dagmo dhacda waqooyiga London.

Inkastoo qareenada ay sheegeen inuu haayo xanuun daran, hadana wuxuu wadooyinka magaalada u maraa si laga dareemayo inuu taam buuxa yahay ayey ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here