AFRICOM: “Muddo kororsiga madaxweynaha ayaa ka khatarsan Al-Shabaab”

0
AFRICOM Gen Stephen Townsend

Taliyaha Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka u sheegay in caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan ka jirta Soomaaliya aysan ahayn kooxda Al-Shabaab, balse ay tahay muddo korosigii dhawaan ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jeneraal Stephen Townsend oo shalay hadal ka hor jeedinayay Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada ay tahay caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan dalka ka jirta.

“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Muddo krorosiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha — taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend oo ka jawaabayay su’aal amniga Soomaaliya ku saabsan oo uu weydiiyay guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka, Sen. Jack Reed.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan muddo kordhin labo sano ah u sameeyay Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Reed ayaa horudhacii hadal jeedintiisa ku yiri, “Tallaabadani waxay toos u wiiqeysaa horumarkii laga sameeyay hannaanka dimuqraaddiyadeed iyo dib u habeyntii waaxaha waxaana laga yaabaa inay qalqal geliso taageerada caalamka,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Jeneraal Townsend ayaa sidoo kale sheegay in go’aankii maamulkii Trump uu ciidamada Mareykanka uga saaray Soomaaliya ay abuurtay caqabado hor leh oo la xiriirta la dagaallanka Al-Shabaab.

“Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahwareer iyo khatar hor leh,” ayuu yiri

“Fahamkeenna waxa ka dhacaya Soomaaliya hadda waa ka yar yahay sida markii aan gudaha joognay,” ayuu intaas ku daray.

Horraantii bishii December ee sanadkii hore, madaxweynihi i hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa amray in ilaa 700 oo ciidamada Mareykanka ah oo ku sugnaan Soomaaliya ay isaga baxaan. Ciidamadaas ayaa Soomaaliya ka caawinayay la dagaallanka Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa bartamihii January ku dhawaaqday inay dhammeystirtay la soo bixitaanka ciidamadeeda. Inta badan ciidamadaas ayaa la geeyay dalalka deriska la ah Soomaaliya si ay u sii wadaan howlgallada lagula dagaallamayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Townsend ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo yar oo ilaa 100 gaaraya ay ku hareen Muqdisho, iyagoo la shaqeynaya safaaradda Mareykanka.

“Waxaan inta badan saaxiibbadeen kala shaqeynaan saldhigyada aan gobolka ku leennahay. Kaddibna waan safarnaa si aan u sameyno tababarro, iyo si aan ula talinno una caawinno saaxiibbadeen. Ilaa afar howlgallo noocaas oo kale ah ayaan sameynay 90-kii maalmood ee la soo dhaafay. Mid ka mid ah hadda wuu socdaa.” ayuu yiri Townsend.

La bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadday xilli muhiim ah oo la filayay inay doorasho ka qabsoonto Soomaaliya.

Saraakiisha milatariga ee Mareykanka ayaa asaasay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 askari.

Waxyaabaha kale ee ay milateriga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Faragalinta milateriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.

Sanadkii 2019-kii ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.

Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here