Agaasimaha cusub ee NISA Yaasiin Farey oo maanta xilka la wareegay

NISA

Qoraal lasoo dhigay twitter-ka rasmiga ah ee NISA ayaa lagu sheegay in agaasimihii uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin.

Qoraalka lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.”

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.”

Ma jirto cid xaqiijin karta xil kala wareegistan lagu sheegay bogga twitter-ka ee NISA, oo uu maamulkiisa hayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu dalka ka maqan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here