Ahlu Sunna oo ka dhex dagaallamaysa magaalada Dhuusamareeb

ahlusuna1

Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus.

Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Dad deegaanka ah ayaa BBC Soomaali u sheegay in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo xarunta Inji, xero gadiid, madaxtooyada, cisbitaalka guud iyo saldhigga booliska.

“Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbadu way socotaa. Mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yiri qof la hadlay BBC.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Dhuusamareeb.

Xalay ayaa magaalada waxaa ka jirtay cabsi dagaal kadib markii la ogaaday in xooggaga Ahlu Sunna ay ka soo dhaqaaqeen farriisinkooda deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi uga beegan Dhuusamareeb.

Garoonka Dhuusamareeb oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo Jabuutiyaan ah oo ka tirsan ATMIS.

Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa labaduba ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada dhici doonta Axad.

Markii laga saaray Guriceel, Ahlu Sunna ayaa saldhig ka samaystay deegaanka Bohol, waxaana maalmo ka hor ay sameeyeen wax u muuqday dhoolatus milateri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here