Ahlu sunna oo lagu eedeyay in ay diiday waan-waan iyaga iyo Galmudug laga dhexwaday

macalin maxamuud iyo sheekh shaakir

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhexdhexaadin ka dhexwaday mamaulka Galmudug iyo Ahlu sunna ee ku sugan deegaanka Bohol oo u dhow magaalada Dhuusamareeb,ay dadaalladaasi ku soo dhamaadeen guul darro kadib markii sida ay sheegeen mas’uuliyiinta howsha ku jiray ay dhinicii Ahlu sunna wax ka socon waayen halka dhanka madaxweynaha Galmudug Axmd Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka oggaaladay waan-waanta ay wadeen wafdiga saraakiisha ah.

Generaal Aadan Abshir Nuurre (Laba -Afle) oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya isla markaana hoggaaminayay saraakiisha wadday dadaallada la isugu soo dhawenayo Galmudug iyo Ahlu sunna oo warkiisa ay baahisay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Bohol ay ku sugaanaayeen 12 cisho oo ay xal raadis ahaayen.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen Sheekh Shaakir ayna waydiiyeen waxa ay tabanayaan isla markaana iyagu u gudbiyeen wixii ay u arkayeen in mar kale looga baaqsan karo dagaal ka dhaca deegaannada Galmudug.

Generaal Laba -Afle ayaa sheegay in waxa ay tabanayaan Ahlu sunna ay yihiin waxyaabo aysan Galmudug hadda wax ka qaban karin ayna diideen Ahlu sunno nabaddii ay wadeen iyo wixii ay xalka u arkayeen.

Ma jiro ilaa iyo hadda war ka soo baxay dhanka Ahlu sunna oo la xiriira wararka sheegaya in dhankooda ay ka hirgali waayeen dadaallo lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka iyaga iyo mamaulka Galmudug u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here