Al-Shabaab oo baneeyay degmada Jamaame iyo Ciidamada Xogga dalka oo ku sii jeeda

ciidamada danab1

Ciidanka Xoogga Dalka oo ka ambabaxay deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaano dhowr ah ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay kamid yihiin deegaannada, Kaban,iyo Bengaani, ee gobolka Jubada hoose,waxaana ay sheegeen inay ku dhawaadeen degmada Jamaame oo ay gacanta ku haayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad Ciidanka Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in saacadaha soo socda ay gaaridoonaan Jamaame halkaasi oo ay isaga baxeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalkaani inay sameeynaayaan Ciidamadda Guutada 11aad Qaybta 43aad iyo Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed islamarkaasna intii wadeen ay kusoo saareen ilaa labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin warkaan kasoo yeeray Taliska ciidanka xoogga dalka kaas oo ku aadan iay isaga baxeen degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here