Al-Shabaab oo dagaal culus ku qaaday Saldhig ay ciidanka Kenya ku leeyihiin gudaha Soomaaliya

alshabab somalia

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Qoqaani ee hoostaga degmada Afmadoow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ay maqlayeen Jugta Madaafiic iyo rasaas xooggn oo labada dhinac ay Isweydaarsanayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, In kastoo aan si dhab loo ogeyn inta uu la egyahay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Qoqaani ee hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan deegaanka Qoqaani, kaasi oo ay uga hadlayaan weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here