Al-Shabaab oo gacanta ku haya ergooyin soo xulaya xildhibaanada 2020/21

baarlamaanka df2

Waxa muddooyinkii dambe isasoo taraya walaaca baahsan ee laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay faragelin toos ah ku yeelan karto doorashada soo socota ee dalka.

Badhtamihii sanadkan ayey Villa Somalia banaanka keentay saadaalin ay ku sameysay suurta-galnimada in Al-Shabaab ay xubno ku dhex yeelan karaan baarlamaanka lasoo dooran doono, iyaga oo gabaad ka dhiganaya nidaamka qabiiliga ah (4.5).

Dhawaaqaasi kadib, waxa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo suurta-galnimada arrintaasi, oo siyaasiyiinta qaar ay u arkaan mid aan si dhab ah looga diyaar garoobin.

Cabdi Cali, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa isaguna qaba in arrintaasi ay tahay mid xaqiiqo ah oo aan indhaha laga laaban karin, maadama uu ku doodayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milantay dhalinyarada iyo ururada bulshada.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan ay Al-Shabaab gacanta ku hayso ergooyinka soo xulaya xildhibaanada golaha, midaasi oo u fududeynaysa kamid noqoshadooda, mar haddii ay odeyadu qaadanaya awaamiirtooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shabaab dhalinyaraday kamid yihiin, odayaasha dhaqankay kamid yihiin, iyagaana isku daray oo baarlamaanka soo socda, inta ugu badan odayaashu waxay qaadanayaan wixii ay u yeeriyaan” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Aniga odaygeyga Shabaab ayuu ka diiwaan gashan yahay waxay iyaga amraan buu sameynayaa. Markaa baarlamaanka soo socda kala badh (50%) wuxuu noqon karaa Al-Shabaab”.

Dhinaca kale, Heshiiskii dhawaan lagu gaaray Villa Somalia, ayaa noqon kara mid dhabaha u xaadha rabitaanka Al-Shabaab, sida ay aaminsan-yihiin falan-qeeyayaasha qaarkood.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in codeynta soo socota ay noqoto mid ku saleysan nidaamaka qabiilka, taasi oo la fahamsan yahay inay noqon karto jaran-jar ay Shabaab uga mid noqoto golaha, iyada oo habkaasi raaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here