Sida laga soo xigtay dad kusugan Magaalada Ceel buur ee Gobolka Gal gaduud waxaa sanado badan kadib iskaga baxay Al Shabaab.
Ceel buur waa meeshii ay ugu awooda badnaayeen Shabaab Gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Si rasmi ah looma oga ujeedkooda ay uga baxeen balse waxa la arkay iyagoo ka qalab raranaya halkaas.
Ciidamada xoogga Dalka ayaa hareereeyey Ceel buur oo ay doonayaan inay la wareegaan inkastoo weli aysan Gudaha ugelin.
Galmudug ayaa u aragta Ceel buur meel istaraatiiji ah islamarkaana qabashadeeda ay ku farxi doonaan dad badan.