AL-SHABAAB OO KA HADLAY WEERARKII HOTEL VILLA RAYS

villa rosa

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, [Sheekh Cali Dheere] ayaa ka hadlay weerarkii ku dhawaad qaatay 24-ka saacadood ee ay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku ekeyeen hoteel Villa Rays oo ku yaalla xeendaabka madaxtooyada.

Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar. Sida lagu baahiyay warbaahinta taabacsan Al-shabaab ee Somali Memo.

“Weeraradaas jihaadiga ah ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada oo ay ku yaallaan buul-shimbireedyo ay ku dhuumaalaystaan madaxda dowladda, Allaah fadligii wuxuu hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga” ayuu ku yiri qoraal lagu daabacay Somali Memo.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here