Al-Shabaab oo sheegtay dilkii Cabdi Salaan Kurjow iyo C/raxman Jimcaale

alshabab somalia

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii maanta lagu dilay
korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad. iyagoo sidoo kale sheegtay in qaraxaas lagu dilay dhammaan ilaaladii la socotay saraakiisha.

Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha dowladda federaalka.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga, kaas oo ka mid ahaa ku dhawaad 10 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.