Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerar ku dishay 13 askari oo Jabuutiyaan ah

Alshabaab

Iska hor-imaad xooggan ayaa duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar iyo qaraxyo ku qadeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom ee halkaas ku sugan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay warbaahinteeda ku sheegtay in 13 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dileen kuna dhaawaceen dagaalka.

Idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi.

Goobjoogeyaal ayaa waxay sheegeen in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Waxaan sidoo kale weli war kasoo bixin taliska ciidamada Amisom iyo kuwa Jabuuti.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.