Al-Shabaab oo sheegtay sababta ay u beegsadeen Jeneral Galaal iyo inay 13 sano ku raad joogeen

shabaab sarkaal

Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkooda koowaad uu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii hotel Afrik, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxdaas.

Waxay sheegteen inay dhowr jeer oo is-xigxigay jebiyeen ciidamada dowladda, kuwaasi oo ku howlanaa bad-baadinta Saraakiisha, ganacsatada iyo dad rayid ah oo ku sugnaa huteelka xiliga uu dhacayay qaraxa iyo weerarka is-xigay.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Shabaabka lagu sheegay inay Jeneraal Galaal u haysteen weeraro iyo duqeymo hore loogu qaaday kooxdooda, taasi oo ay kamid aheyd duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab, isla markaana ay ku raad-joogeen 13 sanno.

Waxay sheegen inuu Galaal qeyb weyn kulahaa abaabulka ciidankii Ahlu Sunna ee dagaalyahanadooda kula dagaalamay gobolada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ay muddo badan ka talinayeen, taasi oo kamid ah waxyaabaha ay u dileen Jeneraalka, sida ay sheegen.

Waxa kale oo ay sheegteen in qaraxii iyo weerarkii shalay ee hotel Afrik lagu dilay 23 xubnood, halka ay ku sheegen dhaawacana inuu gaarayo 40 ruux, taasi oo ka gedisan xogta ay ciidamada booliska u tabiyeen warbaahinta, midaasi oo aheyd 9 ruux oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawac ah.

Mareykanka ayaa duqeyn uu 1-dii May ee sanadkii 2008-dii ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ku dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here