Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay dalka KENYA

ciidamada kenya

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah ka dhacay deegaanka Lafey oo ku yaalla saldhigga la weeraray.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen, waxaana iska hor imaadka uu socday muddo kooban.

Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegaya in weerarkaasi ay ku dhaawaceen ugu yaraan ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa saaka degan, hayeeshee ciidamada milatariga Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fulisa Kenya, gaar ahana gobolka Waqooyi Bari oo ku yaalla dhanka xuduudada ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here