Al-Shabaab oo weerar ku billowday is-miidaamin ka fulisay Mudug

shabaab2

 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo loo aadeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi oo u dhexeeyo Hobyo iyo Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidamada dowladdda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxdaasi, isla-markaana ay dib ugu noqdeen deegaanka Wisil.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey waxaa deegaanada Galmudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan Al-Shabaab & sidoo kale ciidamada huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here