Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ku yaalla Kenya

shabaab2

Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalo gudaha dalkaas.

Saldhigyada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer.

Weeraradaas ayaa la rumeysan yahay inay khasaaro kasoo gaartay ciidamada Kenya iyo kuwii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.

Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas khasaaro weyn lagu gaarsiiyey ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa labada Saldhig ee la weeraray xalay waqti dambe.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka geysato gudaha dalka Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna inta badan ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland, waxayna sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here