Al-Shabaab oo weerar ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya

alshabab somalia

 Askar ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee Kenya ayaa la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib markii rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan Mandheera.

Taliyaha Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, Rono Bunay ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka ay la wadaagto Soomaaliya, halkaas oo ay Al-Shabaab sidoo kale ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha.

Bunay ayaa intaasi ku daray in ciidamada ilaalada Booliska ay isku dayeen in ay la dagaalamaan raggaasi oo ka soo gudbay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarada Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku soo badanayey deegaanada hoos-yimaada maamulka Mandheera, iyada oo lagu dilay illaa 15 ruux.

Kenya ayaa waxaa horey xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay u soo dhigtay ciidamo gaar ah oo ay ugu tala-galashay inay ka hortagaan weerarada kooxdaasi.

Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa uu xudun u noqday weeraro hubeysan oo ay qaadaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan beegsanaya saldhigyada ciidamada Kenya.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martay in ay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliso gobalka Waqooyi Bari ee Kenya oo xad dheer la-leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here